Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo xalay weeraray degaanka Ceeldheere

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya halkaas

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu muddo saacado ah ka socday degaanka Ceeldheere oo u dhexeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceeldheere, inkastoo markii dambe ay isaga baxeen.

Ciidamo ka tirsan miltariga Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Ceeldheere, iyagoona saaka howlgalo ka wada deegaankaasi, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ee soo gaaray rayidka iyo dhinacyada dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -